Daalibaan oo gawracday turjubaan la soo shaqeeyey Maraykanka

Daalibaan ayaa qudha ka jirtay Sohail Pardis oo ka mid ahaa turjubaannadii Afgaanistaaniyiinta ahaa ee la shaqeeyey Maraykanka.

Sohail ayaa dhawaan ciidamada amniga u sheegay in uu hanjabaad ka helay kooxo Daalibaaniyiin ah kuwaas oo u sheegay in isaga iyo qosykiisaba ay u dhammayn doonaan maadaama sida ay hadalka u dhigeen uu ahaa basaas la shaqeeyey Maraykanka.

Sohail ayaa la waayey bishii May kadib markii uu maalintii ciidda ka horaysay isku dayey in uu booqdo tuulo ay walaashii ku noolayd, isagoo rabay in uu walaashii u soo kaxeeyo dhinaca magaalada.

Af-hayeen u hadlay Daalibaan oo dhacdadan wax laga weydiiyey ayaa ku gaabsaday in aanay ka war hayn isla markaana ay baadhayaan sida ay wax u dhaceen.

Sohail wuxu Maraykanka la shaqeeyey muddo 16 bilood ah oo kali ah.

Waxa jira kumanyaal qof oo la shaqeeyey ciidamada Maraykanka 20kii sanno ee ay ku sugnaayeen Afgaanistaan iyadoo mararka qaar tirada ciidamada Maraykanka ee dalkaas ku sugan ay gaadheen 100,000 askari. Cabsi aad u badan ayaa dadkaas hadda soo wajahday iyadoo ay Daalibaaniyiintu maalinta gobol iyo magaalo cusub qabsanayaan kuna soo jihaysan yihiin ugu dambaynta Kaabuul oo ah magaalo madaxda Afgaanistaan.

Maamulka Joe Biden ayaa ka fikiraya in dadkii la soo shaqeeyey Maraykanka uu ka daadgureeyo isla markaana geeyo waddamo ay ku nabad gali karaan inta laga dhammaysirayo hannaanka sharciga ah ee fiiseyaasha ay dalbadeen in ay Maraykan ku tagaan.

Il-wareed: CNN