Daalibaan oo ku kala qaybsantay doorashada hoggaankooda cusub

Doorashada Mullah Akhtar Mansoor waxay buuq ka dhex dhalisay ururka Daalibaan iyadoo xubno ka tirsan Golaha Shuurada (Golaha Wada-tashiga) ay sheegeen in magacaabista hoggaamiyahan cusub aan cidbna laga wargelin marka laga reebo dhawr sarkaal oo maamula ciidamada Daalibaan.

Mullah Abdul Manan Niazi oo ka tirsan Golaha Shuurada Daalibaan wuxu sheegay in Mullah Akhtar Mansoor aanu aqoon fiican u lahayn Daalibaan iyo waxa ay u taagan tahay sidaas daraadeed aanu u qalmin iyo uu ururka hoggaamiyo.

Mullah Mansoor ayaa la doortay kadib markii la shaaciyey geerida Marxuum Mullah Maxamed Cumar oo loo aqoonsan yahay aabihii aasaasay Daalibaan. Isla markii warka geeridiisu soo baxay wax yar ka dib ayaa la shaaciyey doorashada Mansoor.

Xukuumadda Afgaanistaan ayaa sheegtay in Mullah Maxamed Cumar oo sii mootanaa in ku dhaw saddex sanno hase ahaatee ay hadda uun suuro-gashay in la ogaado dhimashadiisa.

Labadii maalmood ee ugu dambeeyey hadal-haynta ugu badani waxay ahayd waxa uu noqon doono mustaqbalka ururka Daalibaan iyo halka uu ku dambayn doono wada-hadalladii u dhaxeeyey xukuumadda Afgaanistaan iyo Daalibaan mar haddii Mullah Maxamed Cumar uu meesha ka baxay isla markaana buuq ka jiro magacaabista Mullah Akhtar Mansoor.

Ururka Daalibaan ayaa labaataneeyo sanno wuxu dagaalo ba’an ka waday Afgaanistaan, isagoo ururku dawlad Islaamiya ka aasaasay dalkaas sannadihii sagaashameeyadii hase ahaatee ay dawladdaasi burburtay markii Maraykanku duulaanka ku qaaday Afgaanistaan 2001-dii. Intaas wixii ka dambeeyo waxay Daalibaan u hawlgalaysay qaab jabhadeed waxayna qaraxyo iyo weeraro lagu hoobtay oo is-daba joog ahaa ka gaysatay Afgaanistaa iyo Baakistaan.

Dhawaan ayay Daalibaan wada-hadallo la bilawday xukuumadda Afgaanistaan, hase ahaatee lama hubo saamaynta uu isbeddelka hadda yimid ku yeelan doono.

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha:

Daalibaan waxay hoggaamiye cusub u doorteen Mullah Akhtar Mansoor

Hoggaamiyihii Daalibaan, Mulla Maxamed Cumar, oo dhimashadiisa la xaqiijiyey