Daalibaan waxay weerar ba’an ku qaadday xarunta baarlamaanka Afgaanistaan

Baarlamaanka Afgaanistaa oo baraad la’ kuna guda jira kal-fadhigoodii caadiga ahaa ayaa maanta ku war helay dayaanka qaraxa bambaanooyinka iyo rasaas oodda la isaga qaaday.

Weerarkan ayaa ilaa hadda inta la xaqiijin karayo waxa ku dhintay ugu yaraan 18 qof oo iskugu jira carruur, haween iyo siyaasiyiin.

Wali ma jirto waxbixin rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha dhashay inta uu leeg yahay.

Sarkaal ka tirsan booliska Afgaanistaan ayaa sheegay in weerarku dhacay ka dib markii gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa lala beegsaday albaabka hore ee xarunta Baarlamaanka.

Dagaalku weli wuu socdaa raggii weerarka gaystay intoodii badbaadayna waxa ay u gudbeen gudaha xarunta iyagoo isku qarinaya meelo ka mid ah dhismaha xarunta.

Booliska ayaa sheegay in dhinacooga ay weerarkan ilaa hadda kaga dhinteen 3 askari, waxase ku hoobtay dad kale oo joogay dibedda dhismaha markii weerarku dhacayey, kuwaas oo tiradooda mooyee aan weli tafaasiishooda la hayn.

bandhige@gmail.com