Daalibaan way beenisay in la dilay hoggaamiyahoodii

Ururka Daalibaan ayaa soo duubay isla markaana soo diray cajalad laga soo duubay hoggaamiyahooda Mulla Akhtar Mansour, taas oo uu ku beeninayo warar maalmihii ugu dambeeyey la isla dhex marayey oo sheegayey in uu ku geeriyooday dagaal dhex maray laba kooxood oo Daalibaan ah wakhti uu ka qayb-galay shirar Daalibaan uga socday Baakistaan.

Mulla Akhtar Mansour ayaa xantaas ku tilmaamay mid borobogaandho ah.

“Waan noolahay. Baakistaana uma aan socdaalin sannado badan. Mana jiro dagaal dhex maray kooxo Daalibaan ah. Waa borobogaandho warkaasi” ayuu yidhi Mulla Akhtar Mansour.

Mulla Akhtar Mansour waxa la doortay bishii July ee sannadkan kadib markii la xaqiijiyey geeridii Mulla Cumar Mukhtaar oo ahaa aasaasihii iyo hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Daalibaan.

Hase ahaatee qaybo ka tirsan Daalibaan ayaa ku gacan-saydhay doorashada Mulla Akhtar Mansour iyagoo sheegay in la doortay iyada oo aan iyaga lagala tashan. Waxay iyaguna gaar u doorteen hoggaamiye kale oo la yidhaa Mullah Mohammed Rasool Akhund.

Kooxda Mulla Akhtar waxa ay sheegeen in aanay diyaar u ahayn wada-hadal ay la galaan xukuumadda Afghanistan ilaa la fulinayo shuruudaha ay dalbadeen, hase ahaatee kooxda kale ee ku daba fayshay Mulla Rasool ayaa sheegtay in ay iyagu wada-xaajood diyaar u yihiin.

Khilaafkani wuxu keenay dagaalo wakhtiyo dhawr ah ku dhex maray labada kooxood Afghanistan kaas oo keenay dhimasho iyo dhaawacba.