Dab-damis saddex sanno ka hor la soo iibiyey oo maanta lagu wareejiyey Badhasaabka Gobolka Awdal

Dab-damis saddex sanno ka hor ay soo iibiyeen Guddi reer Borama ahi ayaa maanta lagu wareejiyey badhasaabka Gobolka Awdal Maxamud Cali Saleebaan Ramaax .

Dab-damiskan ayaa muddo saddex sanno ah u dhexyaalay saldhiga dhexe booliska Borama shaqaale  la’aan.

Xafladda lagula kala wareegayey dab-damiskan ayaa ugu horayn waxa ka hadlay Gudoomiyihii Guddida ee dab-damiska soo iibisay Sheekh Xasan Diheeye, waxaanu yidhi:

 “Maanta Ilaahay ka so kow waxaan u mahad naqayaan Badhasaabka Gobolka iyo Maayirka Borama oo balan qaaday shaqaalaha iyo wixii kale ee ka dab-damiska.”

Waxaa iyaguna ka hadlay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamud Cali Saleebaan Ramaax  iyo Maayirka Degmada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane ayaa balan qaaday inay bixin doonaan kharashka shaqaalaha iyo wixii kale eek u baxaya dab-damiskan.

Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamud Cali Saleebaan Ramaax ayaa cusbitaalka guud ee Borama ku wareejiyey hal Ambalaas.

Ugu horey xaflada ku wareejinta ambalaaska ayaa waxa ka hadlay Isu-duwaha wasaaradda Caafimaadka Gobolka Awdal waxa yidhi

“Baahi weyn ayaa loo qabay in cusbitaalka guud ee Borama helo ambalaas kaas oo wax badan ka tari doona baahiyaha caafimaadka ee deegaanka ka jira.”

Badhasaabka Gobolka Awdal oo gebo gebadii ka hadlay xaflada wareejinta ambalaaska ayaa sheegay in wax badan ka qaban doonnaan baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira gobolka.

Dhanka kale Badhasaabka ayaa xusay inuu kormeer kusoo mari doono laamaha dawladda ee Gobolka oo la sheegay inaanay badankoodu sidii loogu talo galay u shaqaynin.

Ambalaaskan iyo dab-damiskan ayaa wax weyn ka tari baahiyaha ka jira Borama. Dab-damiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Borama yeelato.

bandhige@gmail.com