Dab weyn oo saaka qabsaday meherado ganacsi oo ku yaalla daanta galbeed ee Wajaale, Itoobiya

Warbixin Dab weyn oo Saaka Qabsaday Meherado Ganacsi oo ku yaalla Daanta Galbeed ee Wajaale, Itoobiya.

Ciidanka Dab-demiska Wajaale ayaa gurmad u baxay Subaxnimadii hore ee saaka abaaro 4:16 am halkaasoo Dab weyn qabsaday Suuqa qayb ka mida Suuqa  Daanta Itoobiya ee Magaalada Wajaale.

Qaybta gurmadka degdega ah ee ciidanka Dab-demiska Wajaale ayaa ay ku soo dhaceen yeedhamadaas, taasi oo ay soo dalbadeen ganacsatada iyo bulshada ku ganacsata daanta Itoobiya. Intaa kadibna ciidanka ayaa ka falceliyay waxaana gurmad degdega ah ciidamada Dab-demiska ee xarunta Wajaale halkaa ku gaadheen, isla markaana gudagaleen hawlgalkaas, ciidankuna wuxuu gaadhay goobtaas iyadoo dabkaasi haysto 26 Meheradood.

Ciidanka ayaa dabkaas ku xakameeyay halkii ay ugu tageen waxaana ciidanku badbaadiyeen 20 Meheradood, iyadoo  adeegsanayo xirfada iyo khibrada uu u leeyahay daminta dabka ayay ciidamadu dabkaas ka joojiyeen dhankii uu u socday una fidiyay, waxaana sidoo kale ciidanku dabkaas ku sameeyeen gaajaysiin ( starvation) taasoo ah in dabku intuu haysto maahee inta kale laga xakameeyo.

Waxaa xusid mudan in dabkaas ay lasii dagaalameen iskuna dayeen inay damiyaan ciidanka Dab-demiska Itoobiya ee Wajaale, taasoo keentay inay xakamaynta iyo hakinta dabkaas muddo ku qaadatay intaas kadibna uu ku fiday meherado badan, kadibna la soo wacay ciidanka Dab-demiska Somaliland gaar ahaan ciidanka Xarunta Wajaale.

Sababta dabkan dhalisay ayaa illaa hadda gacanta ku hayaan Laamaha amaanka.dabkan ayaa geystay khasaare hantiyeed kuwaasi oo u badnaa meherado ganacasi oo ahaa kuwo yar yar iyo kuwo dhexe, ilaa haddana weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee hantida gubatay.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidanka Dab-demiska Somaliland gurmad u fidiyaan dab ka kacay daanta galbeed ee itoobiya, balse sannadkii tagey ee 2019 waxaa ciidanka Dab-demiska Somaliland ee wajaale ka hawlgaleen 33 Dab oo ka dhacay daantaas, kuwaas oo iskugu jiray guryo iyo meherado.

 

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska

Wajaale/Somaliland

990 Emergency Call

Somalilandfire@gmail.com