Dablay weerartay hudheel ku yaal Maali oo af-duub ku haysata 170 qof

War degdeg ah oo hadda na soo gaadhay ayaa sheegaya in duhurkan maanta ay dablay aad u hubaysani weerar ku ekeeyeen hudheel Maraykanka laga leeyahay oo la yidhaa Radisson Blu Hotel oo ku yaal dalka Maali. Waxay halkaa qafaalasho ugu qabsadeen 140 martidii huteelka ka mid ah iyo 30 shaqaalaha huteelka ah.

Hudheelkani wuxu caan ku yahay marti-gelinta madaxda dunida ee dalkan soo booqata iyo dadka mansabkoodu sarreeyo ee dalkaas ku nool.

Dablayda ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawaaqayaan “Allaahu Akbar” waxana hadda hudheelka ku hareeraysan ciidamo bileys ah oo si gaar ah u tabobaran sida sarkaal ka tirsan bilayska Maali uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Haatan waxa la sheegayaa in hawl-galka u weyni ka socdo dabaqa todobaad iyadoo tiro lagu qiyaasay 10 nin ay qaarna barandaha ka dagaalamayaan kuwo kalena ku mashquulsan yihiin wax-yeelaynta dadka u gacan galay.

Bishii 8aad ee sannadkan ayay ahayd markii koox dablay ahi qabsadeen huteel isaguna caan ah oo ku yaal Maali gaar ahaan magaalada Sevare kadibna ay qudha ka jiree 13 qof oo ay ku jiraan 5 u shaqaynayey Qaramada Midoobay.

Faransiiska ayaa dalkan faro-gelin milatari ku sameeyey bishii koowaad ee 2013-kii kadib markii koox lala xidhiidhiyey Al-Qaacida ay qabadeen caasimadaha waaweyn, hase ahaatee muddo kadib waxa kala wareegay ciidamo nabad-ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga cidda weerarkan qaadan welina ma jirto cid rasmi ahaan u sheegatay.

Bandhige@gmail.com