Dacwad-oogihii guud ee Masar waxa lala beegsaday laguna khaarajiyey qarax weyn

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Masar Hishaam Barakaat ayaa lagu dilay qarax gilgilay Qaahira oo maanta lala beegsaday.

Sida wararku tibaaxayaan, gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay gaadhigii uu saarnaa dacwad-ooguhu, taas oo keentay in uu si xun u dhaawacmo kadibna cusibtaalka ku qudh-baxo.

Dhimashada xeer-ilaaliyaha ee Masar waxa xaqiijiyey Wasiirka Caddaalada Axmed Al-zind, mar uu warbaahinta kula hadlayey dhakhtarkii loo cararay xeer-ilaaliyaha ka dib qarax.

Warbixin hor dhac ah oo laga helay cisbitaalka Al-Nozha oo ku yaala Qaahira ayaa sheegay in Barakaat ka cabanayey markii hore dhiig bax hoose, ka diba qaliin lagu sameeyey kaas oo lagu guulaysan waayey.

Dacwad-ooge Masar2
Dacwad-Ooge Hishaam Barakaat wuxu ku naf waayey qarax weyn oo maanta lala haleelay

Laba qof oo rayid ah iyo laba askari ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxan, kuwaas oo loola cararay cisbitaal milateri oo ku yaala degmada Heliopolis ee Qaahira.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoog badan oo burburiyey muraayadaha dukaamada iyo guryihii u dhawaa. Sidoo kale waxa goobta lagu arkayey qiiq iyo holac argagax leh oo cirka isku shareeray kaas oo saameeyey kolanyadii la socotay dacwad-oogaha iyo gaadiid kale oo goobta ka ag dhawaa.

cid ilaa hadda sheegatay masuuliyadda weerarka ma jirto. Ururka Ikhwaan-Al-Muslimiin oo ay xukuumadda masar ka macnuuday dalkeeda ayaa iska fogeeyey qaraxan isla markaana cambaareeyey.

Hase ahaatee ururka ISIS ayaa Md. Barakaat hanjabaado u soo gudbiyey kadib markii uu dacwaddooda ka qayb-qaatay lix xubnood oo ka tirsanaa oo uu dil lagu xukumay laguna fuliyey.

Bandhige@gmail.com