Dadweynaha Buuhoodle iyo deegaano hoos yimaada oo raashin loo qaybiyey

Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed ayaa waxa uu Buuhoodle guddaheeda iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi gaadhsiiyey deeq raashin ah oo ay u sii dhiibeen Guddiga abaaraha ee heer qaran.

Deeqdan raashinka ah oo isugu jirta bariis, sonkor, daqiiq iyo saliid ayaa loo qaybiyey qoysas danyar ah oo ku dhaqanย  deegaanada kala ah Qorulugud, Widhwidh, Horufadhi, Hagoogane, Sool-Joogto iyo Buuhoodle.

Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed ayaa isagoo ku sugan Buuhoodle waxa uu warbaahinta u sheegay in raashinkaasi la gaadhsiiyey dadkii xaqa u lahaa ee danyarta ahaa, iyadoo la wada gaadhsiiyey inta badan degmooyinka iyo tuulooyinka uu gobolkaasi ka kooban yahay.

Qaar ka mid ah dadkii la gaadhsiiyey raashinka oo ay warbaahintu wax ka weydiisay sida wax u soo gaadheen ayaa sheegay in ay heleen raashin ka kooban noocyo kala duwan, waxayna uga mahad celiyeen Guddida sare ee abaaraha Somaliland iyo maamulka gobolkaasi.

bandhige@gmail.com