Dadweynaha Japan oo ka sasay dab-dhaliyihii nukliyeerka oo la dib loo siraaday

Dadweynaha reer Japan ayaa ka gadoodsan xukuumadda Japan oo maanta daartay dab-dhaliyihii koowaad ee nukliyeerka afar sanno kadib masiibadii ma dhalatay dab-dhaliyihii nukliyeerka Fukushima taas oo sababtay tiro badan oo reer Japan ahi in ay geeriyooto, tiro kale xanuusato ilaa 160,000 oo qofna ay qaxaan.

Ra’iisal-Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa isku dayaya in uu dejiyo dadkiisa isagoo u ballan-qaaday in dab-dhalliyahan amnigiisa la adkeeyey oo aanu waxba yeelayn haddii uu soo noqdo dhul-gariir u dhigma kii dhacay 11-kii March 2011-kii.

Ganacsata iyo warshadlayda ayaa sheegay in ay khaati ka joogsadeen biilasha warshadaha laydhka isla markaana ka qaybgeli kari waayeen tartankii caalamiga ahaa ee iibinta badeecadaha taasina ay sababtay in xukuumadda Japan ay ka codsadaan in dab-dhaliyaha dib loo siraado.