Goobaha codbixinta ee doorashada guud ee waddanka Kiiniya ayaa la furay, waxaana doorashadan si dhow loo gala socdaa guud ahaan bariga Afrika iyo dunida oo dhan xili ay jirto cabsi laga qabo in natiijada doorashada ay ka dhashaan rabshado.
Ku dhawaad labaatan milyan oo dadka Kiiniya ayaa isku diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan, wararka haatan hordhaca ee ka soo baxaya waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa ay dadku bilaabeen in ay safaf dhaadheer u galaan goobaha laga codeynayo.
Waxaa jagada madaxwaynanimada ku tartamaya 8 musharax oo ay uga cadcad yihiin madaxwaynaha iminka xilka haya Uhuru Kiiniyatta iyo hogamiyaha mucaaradka Raila Odinga.