Dagaal mar kale saaka dib uga qarxay Deegaanka Tukeraq

 

Waxa saaka hiirtii uu dagaal culus ka dhex qarxay  ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland oo waayadan danbe ba isku hor fadhiyey deeganka Tuko-raq. Sida ay sheegayaan wararka ilaa haatan Warbaahinta soo gaadhayaa Dagaalkan oo la sheegay in uu yahay mid xoogan ayaa waxaa uu dhashay ka dib markii ciidamada Puntland ay isku soo dayeen in ay ciidamada Somaliland ka soo dhabar jabiyaan xaga danbeee Gambadha isla markaana ay ciidamada Somaliland ka war heleen .

Guutada 31 oo uu hogaaminaayo General Dolaal ayaa la sheegay in ay ciidamadaasi Puntland ee dhabar jabinta wada ay ka war heleen isla markaana ay ka hor tageen halkaas-na uu dagaalku ku bilaabmey .

Ciidada Somaliland ayaa sida ay xoguhu sheegayaan waxaa ay dib u celiyeen isla markaana ay fadhiisinkoodii dhaafiyeen ciidamadii Puntland ee weerarka iyo dhabar jabinta soo qaadey

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland oo la Hadley Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu dagaalkaasku eedeyey in ay soo qadeen ciidmada Puntland isla markaana kuwa Somaliland ay ka jawabeen.

Xigasho: Waaheen Media.

bandhige@gmail.com