Dagaalka diblomaasiyadda ee Turkiga iyo Dhajka oo cirka maraya, safiirka Dhajka oo laga mabnuucay Turkiga

 

Dagaalka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhaxeeya waddamada Turkiga iyo Netherlands ayaa cirka isku laalay kadib markii ay xukuumadda Dhajku laba wasiir oo Turki ah ka joojisay in ay ka qayb galaan mudaharaad ka dhacayey magaalo-madaxda Dajka, Amsterdam, oo lagu taageerayey shuruuc cusub oo uu madaxweynaha Turkigu dabada ka riixayo kuwaas oo kordhinaya awoodda madaxweynaha.

Xukuumadda Ankara ayaa ku eedaysay xukuumadda Amsterdam in ay jebisay xeerarka diblomaasiyadda caalamiga ah iyaguna ay ku kici doonaan falkaas mid jawaab u ah.

Ra’iisal-Wasaare-xigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa gelinkii dambe ee Isniinta ku dhawaaqay in safiirka Dhajka u fadhiya Turkigu oo hadda dalkiisa ku maqan laga mabnuucay in uu dib ugu soo noqdo Turkiga ilaa inta ay xukuumadda Amesterdam ka jawaabayso ficilkii ay kula kacday laba wasiir oo Turki ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa sheegay in wax lala yaabo ay ahayd in laga hor joogsaday in uu bannaan-baxaa ka qayb galo, wuxuna yidhi:

“Anigu ma argagixiso ayaan ahay. Maxaa la iigu diiday in aan bannaan baxa ka qayb galo oo aan dalkayga la hadlo.”

Midowga Yurub oo uu dalka Netherlands ka tirsan yahay ayaan weli wax war ah ka soo saarin arrintan, taas oo uu Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogaan aad ugu canaantay shalay.

Bandhige@gmail.com