Dowladda dalka Koonfur Sudan ayaa ka walaacsan saamaynta dhaqaalaheeda uu ku yeelan karo dagaallada ka socda dalka ay deriska yihiin ee Sudan, kaasi oo ah marinka ugu weyn ee dalka Koonfur Sudan ay ka dhoofsato wax soo-saarkeeda saliidda cayriinka ah ee ay soo saarto.
Koonfur Sudan ayaa sheegtay iyadoo ka fikiraysa mustaqbalka dhaqaalaheeda inay waddo qorsho ay ku doonayso sidii ay ku heli lahayd marrin kale, oo ay ku dhoofsan karto saliideeda cayriinka ee ay soo saarto.
Haddaba samayn intee la’eg ayay dagaalada Suudaan ay ku yeesheen wax soo saarka saliida cayriinka ah ee Koonfur Suudaan, Nafic Maxamed Cumar oo ah aqoonyahan la socda arrimaha Shidaalka gobolka ayaa arrintaasi waxaa ugu warramay Wariyaha VOA-da Khadar Maxamuud Xareed oo ku sugan magaalada Juba ee dalka Koonfurta Suudaan