Dagaalka Yukrayn oo sii kululaaday: Kolonyo gaadiidka gaashaaman ah oo taxan 60 kiiloomitir ayaa wax yar u jira magaalada madaxda Yukrayn

In kastoo ay qabsoomeen wareegii koowaad ee wada-hadallada Yukrayn iyo Ruushka, haddana waxa muuqata in dagaalku cirka isku sii shareerayo. Waxa la soo weriynayaa in Ruushku uu hadda waxoogaa guulo ah ka gaadhay magaalo-madaxda labaad ee dalkaas ee loo yaqaan Kharkiv kadib markii uu la kulmay shan maalmood oo iska caabin adag ah warbaahinta Galbeedka qaarkeedna ay ku tilmaameen tamar-darro ka soo if baxday Ruushka.

Muuqaalo dhinaca satalyatka ah oo la qaaday ayaa iyaguna maanta muujiyey kolanyo gaadiidka gaashaaman iyo saanadoodda ah oo xidhiidhsan masaafo 60 kiiloomitir ah kuwaas oo hadda kuba dhaw magaalo madaxda Yukrayn, Kyiv.

Khubrada milatariga ee Maraykanka ayaa sheegay in haddii kolanyadaasi nabadgalyo ku soo gaadho Kyiv ay adkaan doonto Yukrayn in ay sii difaacdo magaalo madaxda.

Satalaytka ayaa muujiyey tiro ka mid ah gaadiidka gaashaaman oo qiiq ka baxayo kuwaas oo loo aqoonsaday in ay gubeen ciidamada Yukrayn.

Laakiin waxa muuqata in kolanyada badankeedu ay socdaan iyagoo nabad qaba. Taas waxa lagu macneeyey Ruushka oo hadda ay u badan tahay in ay la wareegeen inta badan gacan ku haynta cirka Yukrayn, wixii duulana ay halkiisa ku bakhtiinayaan, in kastoo ay weli jiraan diyaaradaha duuliyuhu aanu wadin oo kolba dusaya isla markaana gubaya gaadiidka gaashaaman ee Ruushka.

Madaxweynaha Yukrayn Volodymyr Zelenskyy oo hore u sheegay in aanu rajo ka qabin wada-hadalladii shalay ka qabsoomay xadka Yukrayn iyo Belaruus ayaa maanta sheegay in uu daraasayn ku wado wixii lagaga wada hadlay wada hadaladaas.

Haseyeeshee ifafaaluhu waxay sheegayaan in aanay meeshaas ka dhicin wax colaad baajin kara.

Dhismeyaal dawladeed, dhismayaal dugsiyo waxbarasho iyo goobo kale oo ku yaalla magaalo-madaxda labaad ee dalkaas Kharkiv ayaa dhulka la sinmay kadib markii ay haleeleen gantaalaha Ruushku.

Warbaahinta ayaa saadaalinaysa in magaaladaasi ay qarka u saaran tahay in ay u gacan gasho Ruushka.

Hase ahaatee Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ay difaacayaan magaalo-madaxda wax kasta oo ay ku kacayso.

“Kyiv waa wadnaha Yukrayn. Wax kasta oo ay nagu qaadanayo waanu difaacaynaa si ay u sii jirto nolosha Yukrayn” ayuu yidhi Madaxweyne Zelenskyy.

Wadamada Yurub ayaa hadda dhinac iska dhigay dagaaladii diblomaasiyadda, waxaanay u kala baratamayaan sidii ay hub ugu daadgurayn lahaayeen ciidamada Yukrayn.

Warbaahinta reer Galbeedka badankeeda, oo ay ku jirto warbaahinta bulshadu, ayaa iyaguna hoos u dhigaya wararka guulaha Ruushka iyagoo taas bedelkeeda buunbuuninaya guulaha Yukrayn.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Halkan kala soco wixii hadba ka soo kordha dagaalka Yukrayn.

Bandhige@gmail.com