Dagaalka Yukrayn: Wada-hadallo ka furmaya xuduudda Yukrayn iyo Belaruus iyadoo dagaalku sii kululaanayo

Iyadoo dagaalku marayo maalintii shanaad, isla markaana aanay weli jirin dhinac sheegan kara guul muuqata, ayaa Madaxweynaha Yukrayn oggolaaday in uu wada-hadal la furo Ruushka, wada hadalladaas oo uu markii hore diidanaa.

“Ma aaminsani in wada-hadalladan ay wax weyni ka soo bixi doonaan. Laakiin waxan idhi ha iska qabsoomaan intii dadweynaha Yukrayn ay is odhan lahaayeen malaha fursad dagaalka lagu joojin lahaa ayaa halkaa ku luntay.”

Madaxweynaha Yukrayn wuxu darraad sheegay in Belaruus ay qayb ka noqotay dagaalka Yukrayn. Maanta waxa sirdoonka Yukrayn sheegeen in Belaruus ay isku diyaarinayso in ay ka barbar dagaalanto Ruushka, taas oo haddii ay dhacdo kordhin doonta fursadda kursiga lagaga tuuri karo Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

Dagaalka oo mar kali ah Khamiistii ka wada bilaabmay dhammaan jihooyinka dalka Yukrayn ayaa lagu soo warramayaa in Ruushku la kulmay iska caabin aanu filayn isla markaana ciidamada Yukrayn ay si mintidnimo ah u dagaalamayaan.

Gaar ahaan dhinaca dagaalka ugu ba’ani waxa uu ka socdaa dhinaca waqooyiga oo ah magaalo-madaxda iyo hareeraheeda, halkaas oo aanu wali Ruushku guul muuqata ka gaadhin.

Hase ahaatee wuxu Ruushku horumar door ah ka samaynayaa dhinaca Koonfurta taas oo haddii uu si dhammaystiran ugu guulaysto ciidanka Yukrayn nuglayn doonta guud ahaan awodda wax-iska-caabinta Yukrayn.

Muuqaalo satalaaytka lagu qaaday ayaa shalay lagu arkay kolanyo gaadiidka gaashaaman ee Ruushka ah oo aad u tiro badan oo taxan masaafo ilaa shan kiiloo-mitir ah, kuwaas oo ku wajahan caasimadda Kyiv. Lama oga in ay xaaladda wax ka beddeli doonaan iyo in kale.

Waddamada Reer-galbeedka iyo xulufo u badan NATO ayaa qaaday tallaabooyin cumoqabataymo ah oo ay ku wiiqayaan dhaqaaha Ruushka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday bangiyada halbawlaha u ah dhaqaalaha Ruushka.

Wararka laga soo sheegay Moosko ayaa tibaaxaya in tallaabooyinkaasi ay Ruushka ku noqdeen dhul-gariir iyo lama’filaan. Waxaana durba qiimo-dhac ku bilaabmay lacagta Ruushka, iyadoo baanka dhexe ee Ruushkuna uu kor u qaaday dulsaarka daymaha si uu ula dabaasho culayska soo kordhay.

Intaas uun maaha ee Reer Galbeedku waxay bilaabeen in ay hub u daldalaan ciidamada Yukrayn si ay isugu dayaan in ay fashiliyaan ama habsaamiyaan guulo uu Ruushku ka gaadho dagaalkan oo ay ku tilmaameen gardarro aan cudurdaar lahayn.

Madaxweynaha Ruushka oo tallaabooyinka reer Galbeedka ka jawaabaya ayaa amar heegan ah siiyey ciidada ku shaqada leh Nukliyeerka, taas oo ka dhigan in markii loo baahdo ay tallaabo  dhakhso ah qaadi karaan. Hanjabaaddan ayuu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uga dan leeyahay in uu ku xakameeyo dhiiranaanta saa’idka ah ee Reer Galbeedka.

Khubarada ka faalloota dagaalka Yukrayn ayaa sheegay in inkastoo ciidamadda Yukrayn ay geesinimo muujiyeen haddana su’aalo la iska weydiin karo tirada maalmaha ay sii hor taagnaan karaan Ruushka. Hore ayaa loo yidhi ciyaari waa gelin dambe, bal aan dhawrno sida ay wax u dhacaan.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Halkan kala soco hadba wixii ka soo kordha dagaalka Yukrayn.

Bandhige@gmail.com