Dalalka Khaliijka Carabtu waxay ku baaqeen in ay Qaramada Midoobay soo farageliso xaalada Suuriya

Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa waxay ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay soo farageliso xaalada Suuriya si loo joojiyo duqaynta cirka ah ee lagu hayo magaalada Xalab oo Golahani sheegay in ay ku dhinteen boqolaal rayid ahi.

Golaha oo ay xubno ka yihiin dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwayt, Cummaan iyo Qatar ayaa sheegay in weerarrada cirka ah ee dawladda Suuriya ku haysto magaaladu ay si qorshaysan u beegsanayaan goobaha rayidku degan yihiin, waxaanay ku tilmaameen in ay xadgudub badheedh ah ku yihiin xeerarka caalamiga ah.

Baaqa uu soo saaray Golaha Iskaashiga Khaliijku oo ay baahisay wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in xoghayaha goluhu ka dalbaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay si dhakhso ah u joojiyaan weerarrada lagu hayo magaalada Xalab isla markaana la soo afjaro silica ay ku jiraan shacabka Suuriya.

Sidoo kale waxa Golaha Khaliijku Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay fuliso qaraaradii Golaha Ammaanku ka soo saaray xiisadda Suuriya.

Baaqan dalalka Khaliijku wuxu soo baxay saacado uun kadib, markii isbitaalka ugu wayn qaybta ay mucaaridku gacanta ku hayaan ee bariga magaalada Xalab muddo dhawr maalmood guddahood ah markii  saddexaad la duqeeyay.

Maraykanka ayaa isagu wali ku dhagan mawqifkiisa ah in xalka keliya ee dhiigga ku daadanaya Suuriya lagu joojin karaa yahay wada hadal.

Hase yeeshee waxa wararku sheegayaan in niyad jabka isa soo taraya ee ay ka qaadeen dalalka khaliijku mawqifka Maraykanku uu suurtogelin karo in dalalkaasi mucaaridka oo ay taageersan yihiin siiyaan hub lidka diyaaradaha ah oo ah gantaalo casri ah oo garabka lagu qaado.

bandhige@gmail.com