Dalxiiseyaashii oo Tuuniisiya ka firxanaya kadib weerarkii shalay lagu hoobtay

Dalxiiseyaashii ajaanibka ahaa ayaa ka qulqulaya Tuunisiya kadib markii nin ISIS taageeraa uu shalay rasaas ku dilay 38 dalxiise oo ku raaxaysanay xeebta Sousse, kuwaas oo ay qaarkood reer Yurub ahaayeen.

In kastoo ay xukuumadda Tuunisiya diidday in ISIS ay ka dambaysay qaraxii shalay maadaama ninka weerarka gaystay aanu waligii dibedda uga bixin Tuuniisiya isla markaana aanu boolisku ku dabo jirin, haddana dalxiiseyaashu dheg jalaq uma ay siin sasabaadda xukuumadda. Waxay goosteen in ay Tuuniisiya isaga baxaan maadaama ay cabsi fara badan dareemeen.

Xukuumadda Tuuniisiya ayaa olole milatari ku qaadday kooxaha ay uga shakisan tahay argagixisanimada waxayna sheegtay in ay gacan bir ah wax kaga qabanayso.

Nin hubaysan oo dallad ku hoos qarsaday hubkiisa ayaa Jimcihii rasaas oodda kaga qaaday laba huteel oo ku yaal xeebta Tuuniisiya. Ninkan oo markii dambe ay boolisku dileen wuxu galaaftay 39 nafood oo ay tiisuna ku jirto.

Dad goobjoogeyaal ahaa waxa ay sheegeen in ninkani markii uu dadka laynayey si deggan hawshiisa u qabsaday isagoo meelo kala duwan dadka ku laayey, si deggan u shiishayey, marar badana qoriga qasnadda ka beddelay.

Ra’iisal-wasaaraha Tuuniisiya Xabiib Essiid wuxu sheegay in dadka geeriyooday badankoodu Ingiriis ahaayeen iyadoo sidoo kale ay geeriyoodeen muwaadiniin isugu jiray Tuunisiyaan, Jarmal, Biljam iyo Ayrish.

Ra’iisal-Wasaare Essiid wuxu qorshaynayaa in uu albaabada isugu dhufto 80 masaajid oo uu sheegay in ay fidno horseedayeen isla markaana u shaqaynayeen si qaranka ka madax bannaan.

Weerarkani wuxu ahaa kii ugu dhimashada badnaa taariikhda cusub ee Tuuniisiya. Waxa sheegatay ISIS laakiin waxa ku gacan-saydhay xukuumadda Tuuniisiya.

Il-Wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com