David Cameron oo bilaabay dhismaha xukuumad cusub

David Cameron ayaa todobaadkan wakhtigiisa ku qaadan doona soo-magacaabista gole wasiir oo dhammaantii ka soo jeeda xisbiga Conservative-ka kadib markii xisbigiisu aqlabiyad ku guuleystay Khamiistii.

Theresa May waxa mar kale loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Philip Hammond Wasiirka Arrimaha Dibedda  iyo Michael Fallon oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Xisbiga Conservatives-ku wuxu ku guuleystay 331 oo ka mid ah 650-ka kursi ee loo tartamayey. Waxay dhaafiyeen 5 kursi tiradii looga baahnaa in ay ku guuleystaan si ay keligood u soo dhisaan xukuumad. Guushan oo kale waxa Conservative-ka ugu dambaysay sannadkii 1992.

Hoggaamiyeyaashii xafiilktanku ka dhaxeeyey David Camron sida Ed Miliband, Nick Clegg iyo Nigel Farage ayaa dhammaantood is casilay Jimcihii kadib jabkii iyo niyadjabkii ka soo gaadhay doorashadii Khamiistii iyagoo sheegay in ay kuraasta u banneeyeen si loo soo doorto cid iyaga ku dhaami doonta.

Md. Cameron wuxu markiiba telefoon u diray hoggaamiyaha xibiga Scottish-ka ee SNP oo ku guuleystay 56 kursi oo ka mid ah 59kii kursi ee Scotland loo qoondeeyey.

Xisbiga SNP ayaa la filayaa in uu dalbado awoodo dheeraad ah oo xataa ka badan kuwii lagu heshiiyey dhawaan markii Scotish-ku aftidii laga qaaday ku diideen in ay madaxbannaani qaataan.