Dawlada Aljeeriya ayaa xal dhex dhexaad ah ka soo saartay xiisada ka taagan dalka Niger, oo afgambi milatari ciidamada dalkaasi xukunka kaga tureen madaxweyne Maxamed Basuum.

Dawlada Aljeeriya ayaa xal dhex dhexaad ah ka soo saartay xiisada ka taagan dalka Niger, oo afgambi milatari ciidamada dalkaasi xukunka kaga tureen madaxweyne Maxamed Basuum.

Dalka Aljeeriya oo ah waddanka xadka ugu dheer la wadaaga dalka Niger, si wayna uga soo hor jeeday farogelin ciidan oo waddankaa lagu sameeyo ayaa soo bandhigay qorshe lagu sheegay xal dhex dhexaad ah.

Wasiirka arrimaha dibada Aljeeriya Axmed Attaf oo warbaahinta kula hadlay xafiiska magaalada Aljeris ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaariyay qorshe lix bilood gudahood milatarigu talada ku wareejinayaan xukuumad rayid ah.

Waxa kale oo qorshaha dalka Aljeeriya ku baaqayaa in faro gelin ciidan lagu sameeyo dalka Niger, taas oo xaalada uga daraysa, gobolka oo dhana qalalaase iyo dhibaato aan dhamaan u horseedi doonta.

Waddanka Aljeeriya ayaa qaramada midoobay iyo ururka midowga Afrika ugu baaqday in la qaato qorshaheedan oo noqon kara xalka ugu wanaagsan ee lagu dhamayn karo dhibaatada Niger.

Qorshahan dhex dhexaadka ah ee dalka Aljeeriya soo saaray ayaa ku soo beegmaya xili xiisada ka taagan dalka Niger ay circa isku shareertay, isla markaana ay dhamaatay muddadii urur goboleedka ECOWAS u qabtay ciidamada inqilaabka ka sameeyay dalkaas.