Dawladda Imaaraadka Carabta oo ogolaatay in dalkeeda lagu galo baasaaboorka Somaliland

????????????????????????????????????

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmiya u ogolaatay in dalkeeda lagu galo Baasaaboorka Somaliland oo ay fiisaysho.

Waxaanay Dawlada Imaaraadka Carabtu ay bilaabi doontaa fiisaynta Baasaaboorka Somaliland isaga oo mari doona saddex marxaladood oo kala ah, ugu horeyn waxaaa lagu bilaabi doonaa baasaaboorada loogu tallo galay Diblomaasiyiinta, sidoo kale waxaa Iyana lagu xigsiin doona oo loo fiisayn doonaa baasaaboorka ganacsatada.

Halka talaabada saddexaadna si dhamaystiran loo fiisayn doono guud ahaan baasaaboorka Somaliland, loona soo saari doono fiisaha Imaaraadka Carabta.

Waxaanay arrintani ka dambaysay ka dib markii ay ka wadda shaqeeyeen Dawlada Imaaraadka Carabta iyo shirkada diyaaraddaha ee Fly Dubai oo toddobaad kasta afar duulimaad ku timaada Hargeysa, arrintan ayaa u noqonaysa guul weyn oo u soo hoyatay Somaliland.

Dalka imaaraadka Carabta ayaa hore u diiday in dalka imaaradka carabta lagu soo gallo Baasaaboorka dawlada Soomaaliya, taasi oo ay ku eedeeyeen in aanay ahayn dawlad xukunkeeda la aamini karro, hase yeeshee talaabadan dawlada imaaraadka carabtu ku ogolaatay baasaaboorka Somaliland ayaa ku soo beegantay xili uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo ) uu u magacaabay Safiir Somaliland u fadhiyi doona dalka Imaaraadka Carabta.

bandhige@gmail.com