Dawladda Burundi oo amar kusoo rogtay Huteelada dalalkaas

Amarka dawladdu kusoo rogtay huteelada dalkaas ayaa ah in la xidho goobaha cabitaanka gaar ahaan khamriga ugu dambay 9:00 fiidnimo.

Qaar ka mid ah dadka reer Burundi ayaa ka carooday amarka dowladda ee meelaha cabitaanka dadweynaha ee magaalooyinka qaar in la xiro 21:00 waqtiga maxalliga ah (19:00 GMT).

Amarka waxaa laga fuliyay magaalada Bujumbura, iyo gobolka waqooyiga Muyinga. Maayarka magaalada Bujumbura ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid lagu hubinayo in dadku ay yareeyaan cabitaanka, laakiin dad badan ayaa rumeysan inay tahay tallaabo amni.

Toddobaadyadii la soo dhaafay dad badan ayaa lagu toogtay baararka ku yaal magaalada Bujumbura.

Maalmaha shaqada, baararka waxaa la amrey inay shaqeeyaan inta u dhaxaysa 5:00 iyo 9:00.

Bandhige@gmail.com