Dawladda Gambia waxay la’aadahay 11 milyan oo doolar kadib markii uu Yaxye Jameh ka baxay dalka

 

In ka badan 11 milyan oo doolaar oo dawladda Gambia leedahay ayaa la la’yahay kadib markii uu dalkaas isaga baxay madaxwaynihii muddada dheer xilka hayay Yaxya Jammeh, sida uu sheegay lataliyaha madaxwayne Adama Barrow.

Mai Ahmad Fatty ayaa sheegay in khuburo dhanka dhaqaalaha ah ay qiimaynayaan kharashka rasmiga ah ee dalka ka maqan.

Gawaadhida raaxada iyo alaabo kale ayaa la saaray diyaarad xamuul ii Chad laga leeyahay isla habeenkii uu Jammeh dalka ka baxay.

Jammeh ayaa dalkaas isaga tagay Sabtidii, isaga oo soo afjaray 22 sanno oo uu xilka hayay.

Wuxuu aqbalay natiijadii doorashada laakiin wuxuu dalka kaga baxay wada xaajood ay sameeyeen madaxda dalalka gobolkaas iyo hanjabaado ku aadan in ay milatarigooda u diri doonaan haddii uu xal kale diido.

Madaxwayne Barrow ayaa wali joogo dalka ay dariska yihiin ee Senegal mana cadda wakhtiga uu soo laaban doono.

Si kastaba ha ahaatee ciidammada Galbeedka Afrika ayaa galay magaalada caasimadda u ah Gambia ee Banjul Sabtidii si ay u diyaariyaan imaanshihiisa.

Dad damaashaadaya oo isku urursaday bannaanka madaxtooyadda ayaa soo dhaweeyay markii ay ciidammadaasi galayeen dhismaha.

bandhige@gmail.com