Dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa ayaa maanta olole balaadhan ka fulisay meheradaha kala duwan ee ku yaala suuqyada magaalada hargaysa

Dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa ayaa maanta olole balaadhan ka fulisay meheradaha kala duwan ee ku yaala suuqyada magaalada hargaysa, ololahaasi oo la xidhiidhay sidii baadhitaan iyo hubin loogu samayn lahaa alaabta dhacday iyo sidoo kale alaabta aan nadaafad ahaan wanaagsanayn.

Masuuliyiinta Dawladda hoose ayaa sheegay in cidii alaab dhacday lagu qabto ay la kulmi doonaan ganaax iyo xadhig, iyagoo ganacsatada ugu baaqay in ay ka feejignaadaan iibinta alaabaha dhacay si aanay waxyeelo u gaadhin caafimaadka bulshada.