Dawladda Hoose waxay maanta hirgelisay isbeddel lagu sameeyey hab-marista waddooyinka Hargeysa

Maayar-Xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Cagawayne oo ay weheliyaan Xoghayaha Dawladda Hoose iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ayaa 9kii Julaay shaaciyey in mar kale la kala beddelay hab-maristii waddooyinka waaweyn ee magaalo-madaxda.

Waxay  sheegeen in ay isku beddeleen hannaankii loo marayey waddada halbowlaha ah ee Hargeysa ee hor marta Qasriga Madaxtooyada iyo ta dhabarka ka marta dhakhtarka Hargeysa.

Markii hore gaadiidka galbeedka u socota ayaa mari jiray waddada wadnaha, hadda waxa mari doona kuwa bariga u socda. Sidoo kale, waddada dhakhtarka daba marta markii hore waxa mari jiray baabuurta bariga u socota, hadda waxa mari doona kuwa u socda galbeedka.

Amrka isku-beddelkan ayaa masuuliyiinta dawladda hoose markii hore sheegeen in uu dhaqan-gal noqon doono 10kii July, hase ahaatee maanta ka horow ma uu hirgelin.

Maalmihii u dambaysay ayaa magaalo-madaxda waxa lagu arkayey shaqaale ku mashquulsan rujunta calaamadihii hore oo qudhooda la dhajiyey wakhti aan sii fogayn iyagoo ku dhajinayey kuwa cusub si ay u yareeyaan khalkhalka ku dhacaya gaadiidka.

Muddo aan dheerayn ayaa Wasiirka Arrimaha Guduhu soo rogay amar wax lagaga beddelayo hannaankii dariiqyada loo mari jiray, iyadoo markii hore ay dariiqyada badankoodu laba haad ahaayeen. Dariiqyadii saxmaddu ku badnayd ayuu u beddelay hal haad taas oo la dareemay in ay si wayn u yaraysay saxmaddii baabuurta walow ay cabashooyin yaryar iyo jaho-wareer maalmihii hore ka dhasheen.

Go’aankan cusub ee Dawladda Hoose ma uu baabiin kii hore u sii jiray, waxa kaliya ee uu sameeyey hab-maristii oo uu kala beddelay laakiin dariiqyadani waxay weli sii ahaan doonaan hal haad.

Madaxda dawladda hoose sharaxaad dheeraad ah kama ay bixin sababta keentay in go’aankii Wasiirka muddo gaaban gudaheed wax laga beddelo.

bandhige@gmail.com