Dawladda Imaaraadka oo si diirran u soo dhawaysay wefitigii Somaliland, Madaxweyne Siilaanyo iyo Boqorka Imaaraadka oo kulmi doona

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefitigiisii ballaadhnaa ee Sabtidii u safray Imaaraadka waxa loo qaabilay si aad u diirran.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda ee Madaxtooyada Naasir Yuusuf “Naska.”

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxa ay saacado ku sii nasteen qolka marti-sharafta ee Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa, Itoobiya.

Waxa weftiga halkaas lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo uu soo diray Boqorka Imaaraadka Carabtu.

Weftiga Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Imaaraadka markii ay halkaas gaadheen waxa  garoonka diyaaradaha kaga hor yimid qaabilayna masuuliyiin door ah oo ay ka mid ahaayeen madaxa hay’adda samo-falka ee Khalifa Foundation Maxamed Alxaaji Alkhuuri iyo madax sarsare oo kale.

Weftiga Madaxweynaha oo la fadhiya madax ka tirsan Imaaraadka Carabta
Weftiga Madaxweynaha oo la fadhiya madax ka tirsan Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Siilaanyo waxa lagu gelbiyey baabuurta gaarka ah ee madaxweyneyaasha lagu qaado iyo iyadoo ay baalasha ka ordayeen ciiddanka amniga oo gaadiidkooda wata, kadib waxa weftiga Madaxweynaha loo gelbiyey halkii loogu talogalay in la dejiyo iyada oo dhammaan waddooyinku ahaayeen kuwo amnigooda la sugay.

Sida war-saxaafadeedka lagu dhigay waxa la filayaa in madaxweynaha iyo weftigiisu ay saacadaha soo socda la kulmi doonaan Boqorka Imaaraadka Carabta oo martiqaadka fidiyey, waxayna ka wada hadli doona arrimaha labada dal ka dhexeeya iyo arrimo dhawra oo kor u qaadi doona xidhiidhka labada dal.

Marwada koowaad Siilaanyo UAE
Marwada koowaad ee Qaranka iyo xayn wasiirro ah ayaa Madaxweynaha ku weheliya safarkiisan

Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaya safarkiisa shaqo waxa ka mid ah:
1. Marwada Koowaad ee Qaranka Aamina Sheekh Maxamed Jirde
2. Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse”
3. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan
4. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Cali Axmed Cali
5. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warancadde
6. Wasiirka Khayraadka Biyaha, Baashe Cali Jaamac
7. Wasiir-Ku-Xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil
8. Xoghaynta gaarka ah ee Marwada Koowaad ee Qaranka, Sabaax Cali Diiriye

War-saxaafadeedkan maanta iyo kii ka horreeyey midna laguma faahfaahin nooca ay yihiin mashaariicda laga wada hadlayaa iyo ajandaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Boqorka Imaaraadku diirradda saari doonaan.

Wefti Siilaanyo Khaliifa UAE
Madaxweynaha waxa madaarka kaga hor yimid Madaxda Khaliifa Foundation

Sidoo kale lama sheegin in uu la kulmi doono shirkaddii wada-xaajoodku ka dhexeeyey Somaliland ee DP World taas oo aan weli la isla meel dhigin heshiis kama-dambays ah. Hase ahaatee maalmahan soo socda ayaa la filayaa.

Dhanka kale, lama hubo in uu Madaxweynuhu la kulmi doono Jaalliyadda Somaliland ee Isu-Tagga Imaaraadka Carabta, taas oo ah Jaalliyad ballaadhan oo ka qayb-qaadataha arrimaha horumarinta ee dalka.

Bandhige oo isku dayey in uu la xidhiidho xubno ka mid ah weftiga Madaxweynaha way u suurogeli wayday sababo farsamo awgeed.

Hoos ka daawo muuqaalka soo-dhawayntii Madaxweynaha.

Bandhige@gmail.com