Dawladda Somaliland oo si adag uga hadashay farro-gelinta Soomaaliya ku samaysay..

War-saxaafadeed

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga soo horjeesatay aqoonsi ay dawladda Somalia sheegtay inay siisay maleeshiyada Somaliland diidka ah ee ku sugan Magaaladda Laascaanood.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayay talaabadan ku macnaysay weerar ka dhan ah qaranimada iyo wada jirka Somaliland iyo xuduudada uu dalkani leeyahay, waxayna sheegtay in arrintani ay khatar ku tahay xasiloonida Geeska Afrika.

Xukuumadda Somaliland waxay iftiimisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax bannaani haysatay in ka badan 32 sano, iyada oo ka hirgelisay xuduudaha uu dalkani leeyahay nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, ayaa lagu yidhi warkan ay soo saartay Wasaaradda Arimaha dibadu.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka, taas oo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada ka taagan magaalada Laascaanood tan iyo markii ay bilaabmeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqaysa Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso maleeshiyo beeleedka. Waxaan sidoo kale u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.

Somaliland ayaa cadaysay in aanay aqbali doonin in Somalia iyo Maleeshiyo beeleedkaasi ay sheegtaan inay ka taliyaan Magaaladda Laascaanood ee Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu mawqifkeedu yahay sida warku sheegayo in ay shacbiga Somaliland ku naaloodaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo, waxayna dawladu sii wadi doonnaa dadaalladayada ku aaddan aqoonsiga madax-bannaanidda Somaliland iyo abuuritaanka xidhiidh faa’iido u leh beesha caalamka.

Gabo gabadii Warsaxaafadeedkan ay soo saartay Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday dhinacyada ay arrintani khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay.