Warar aanu ka helnay deegaano fara badan oo maamul ahaan hoos taga Saylac ahna dhulka ku teedsan buuralayda ayaa waxaa ka da’ay laba cisho ka hor roobab wada qabow gaadhay heerkii barafowga biyaha kaasi oo sababay dhimashada xoolo aad u tiro badan oo isugu jira Geel, Adhi, Lo iyo Dameero.
Deeganaadaas waxaa ka mid ah: Sheekh Awaare, Fiqi Aadam, Wada jir, Daba dilaac, Fadhi xun, Weeraar iyo Dhagax madow, dadka dhulkaas u so hayaamay oo markii hore abaaro ka keeneen deegaano ka tirsan Diridhaba, Jigjiga iyo Hargaysa oo xoolohoodu u qululeen dhinaca xeebta ayaa sheegay markii roobka buuralayda ka da’ay ay so naq raaceen uu ku helay Barafkaas kaasi oo xoolo badan halakeeyey.
Dadka qaarkood waxa ay warbaahinta u sheegeen in aan xoolahoodii neefba ka noolayn oo dhamaan is raaceen taasi oo ay maanta badankoodu caydh taagan yihiin.
Hoos ka daawo muuqaalka qof abaartu waxyeelaysay.