Deegaanka Wacays-oodane ee gobolka Maroodi-jeex oo laga hirgeliyey dhaam-biyood

Dhaamkan oo ay hirgelintiisu ka qayb qateen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaankaas oo waxweyn ka tari doona waraabka biyaha dad iyo xoolaba ayaa waxa ka soo qayb galay xaflada xadhig ka jarida dhaam-biyoodkan Agaasimayaasha Wasaaradaha Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, ganacsato, aqoonyahano, Salaadiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horayn waxa ka hadlay Agaasimaha wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr. Jaamac Maxamed Odawaa wuxuuna iftimiyay in dhaamkan ka dhaxeeyo dhamman bulsha-weynta Somaliland isla markaana ay ka qayb qaateen hirgalintiisa bulshada dagta deegaankan ee ku kala dhaqan gudo iyo dibedba, sidoo kale wuxuu ku booriyay deegankan in ay ilaashadaan oo ka ilaaliyaan wax kasta oo dhib u keenaya.

Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay Ganacsade Xaji Cabdi Nuur Yare iyo Ibraahim Guleed oo iska ku hadlayay afka qurbajoogta ayay sheegeen in dadaalka iyo horumarka halkaas laga sii wado.

Sidoo kale waxa ka hadlay Suldaan Cawil fiiqle iyo Suldaan Axmed Cismaan Cadde-Gude oo Iyana halkaas ka hadlay ayaa bulshada deegankaasi kula darmaarmay in ay ilashadan dhaamkan isla markaana ay wixii horumara gacmaha isku qabsadaan.

Ugu danbayntii waxaa ka hadlay Agaasimaha Wasaarada Biyaha Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa soo dhaweyay horumarkan ay ku talaabsadeen deegaankani,

Ugu danbayntiina waxa xadhiga ka wada jaray labada Agaasime ee Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha.

Dhaamkan ayaa waxweyn ka tari doona baahiyaha biyo ee xiliga jiilaalka sidoo kalena wuxu tusaale u noqon doona bulshada Somaliland inteeda kale.

y6 y4

bandhige@gmail.com