Dhaam weyn oo wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, ka hirgelisay gobolka Saraar, gaar ahaan duleedka degmada Caynaba, ayay buuxiyeen roobabkii Gu’gu.

Dhaamkan ayaa ah Dhaam biya qabatinkiisu weyn yahay, isla markaana wax badan ka tari doona xaaladii biyo yaraaneed ee degaanada ku teedsan.