Dhabbada diyaaradaha Laascaanood oo la dhagax-dhigay

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Duulista iyo Hawada Sayid Cumar Cabdilaahi ayaa saaka dhagax-dhigay dhabbada garoonka diyaaradaha ee Laascaanood.

Garoonka waxa laga dhisayaa dhabbada diyaaaraduhu ka haadaan oo dhererkood dhan yahay 1.5 kiiloomitir.

Xafladda dhagax-dhiga garoonka Laascaanod waxa ka soo qayb galay madaxda gobolka, ganacsato, madax-dhaqameedyo iyo dadweynaha deegaanka.

Garoonka diyaaradaha Laas-caanood  waxa inta badan ka dega diyaarado sida alaabaha daabulka ah sida qaadka.

Masuuliyiintii ka hadashay xafladda ayaa sheegay in baahiyaha degdegga ah ee garoonka si degdeg ah wax looga qaban doono kuwaas oo ay ka mid yihiin,gaadhi dabdamis ah,  dhisidda xayn daabka garoonka iyo xafiisyo.

Dhisidda garoonkani wuxu qayb ka yahay mashaariic horumarineed oo xukuumadda Somaliland ay sannadihii u dambeeyey ka wadday deegaanka Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood.

Bandhige@gmail.com