Shirkadda Suldan Entartainment ayaa xalay Hargeysa ku qabatay munaasibad la isku arkay oo noociisu ku cusub yahay dalka kaas oo lagu soo bandhigay faashanka, xaragada iyo hubqaadka wiilashada Somaliland, bandhiggaas oo afka qalaad lagu yidhaa ‘Super Model Fasion”.
Koox xul ah oo wiilal dhallinyaro ah oo qurux iyo qaab isku darsaday ayaa siyaabo kala duwan u soo lebistay kadibna waxay sida faashanka caalamiga ah u dhex mareen dhallinyaro tiro badan oo gabdho iyo wiilalba leh oo laba saf u fadhiya kuwaas oo u sacabaynayey, sawiranayey isla markanaa faallaynayey hab-lebiska wiilasha, sida jidhkoodu u dhisan yahay, dharka ay xidhan yihiin iyo sida ay ugu soo kala baxeen dharka.
Waa tartan is reebreeb ah oo soconaya 3 Jimce, waxaa ka qaybgalaya 9 wiil, iyadoo ugu dambaynta uu ay guushu raaci doonto koobkana uu qaadi doono hal qof oo wiilasha ka mid ah.
Sida ay sheegeen Saalax Faarax Ibaarhim, Yaxye Maxamed Xaaji Gaydh iyo Isaaq Cabdi Aamin (Sir Isak) oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha, bandhiggani wuxu qayb ka yahay dhiirigelinta iibgeynta dharka ragga, waxaanay qabanqaabiyeyaashu ugu talo galeen kor-u-qaadidda iibka dharka ay gadaan dukaannada casriga ah iyo kuwa dhaqanka ee Hargeysa kuwaas oo xayaysiiskan ka heli doona macaamiil cusub oo danaynaysa dhar cusub. Dhanka kale dukaannadu waxay ku qasbanaan doonaan in ay keenaan dhar la jaan qaadaya xaragada casriga ah iyo ta dhaqanka ee wiilasha.
Bandhiggan oo lagu qabtay hoolka caanka ah ee Green Plaza ee xaafadda Jigjiga-yar waxa maalgeliyey shariikadaha Sayid Style, Hargeisa Suits iyo Asli Mills.
Dhanka kale, Suldan Intertainment waxay uga faa’iidaysteen ay in ay dakhli ka helaan dhacdadan, waxaana uu qofkiiba ku galyey $4. Qiimahaas oo ka jaban ka lagu galo bandhigga heesaha, ciyaar-dhaqameedka iyo fanka oo inta badan tigidhkiisu yahay $20.
Shirkadda sawirada ee Lamaj Photography ayaa barta ay Facebook-ga ku leeyihiin ku baahisay sawirro door ah oo laga qaaday wakhtigii uu bandhiggu socday.
Haddii aad danaynayso in aad faahfaahin dheeraad ah ka ogaato bandhigan waxaad haysataa fursad aad kaga qaybgali karto labada Jimce ee soo socda.
Hoos ka daawo sawirrada.
http://bandhige.com/xayaysiis-bilicdiisu-kay-liidataa-wuu-ka-baqayaaye-waxa-tiriyey-siciid-maxamuud-gahayr/
Bandhige@gmail.com