Dhakhtar Maraykan ah oo ku dhagaroobay libaax caan ka ahaa dalxiiska Afrika

Walter James Palmer waa dhakhtar Ilkaha ah oo ka yimid Minnesota; waxa loo haystaa in uu u dhammeeyey libaaxii caanka ahaa ee Cecil oo 13 jir ahaa, dalxiiseyaasha Zimbabwe yimaadaana ay aad u jeclaayeen.

Cecil wuxu ku noolaa aagga dalxiiska ee Hwange National Park, wuxuna ahaa libaax baari ah, dalxiiseyaasha saaxiib la ahaa, si kastana dadka u soo dhawayn jiray weligiina aan cid dhibaato u gaysan.

Sida ay qortay jariiradda Telegraph ee cariga Ingiriiska ka soo baxda, Walter James wuxu bixiyey 35,000 oo lacagta Ingiriiska ah si ay ugu suurto gasho in uu khaarijiyo Cecil, wuxuna ku dilay leeb iyo qaanso uu afaystay.

Dr Palmer libaax-dile
Dr. Palmer waxa la sheegay in uu xayawaanka u arxan darnaa marka uu joogo goobaha ugaadhsiga

“Waxan u malaynayaa markii aan libaaxan ugaadhsaday waxay ahayd horraantii July. Kama aan warqabin uu yahay libaax Zimbabwe laga yaqaa ama adduunkaba laga yaqaan. Shuruucdii ugaadhsiga oo dhanna waan soo maray. Inta aan ogahay, wax dambi ah maan samayn. Waxan sugayaa in ay xukuumaddu ila soo xidhiidho.”

Laakiin Dr. Palmer ayaa la sheegaa in uu mararka uu goobaha dalxiiska tago xayawaanka u arxan darnaa. Xukuumadda Zimbabwe ayaa hadda xaqiijisay in dhakhtarkan ilkaha la soo taagayo maxkamad si baadhitaan loogu sameeyo shuruucaha ugaadhsiga ee uu jabiyey isla markaana loo mariyo wixii uu ciqaab mutaystay.

Bandhige@gmail.com