Dhallinyarada Deegaamada Koonfurta Hargeysa iyo Deegaannada Sallaxlay waxay shaaciyeen taageeradooda Xisbiga KULMIYE

 

Dhallinyarada ka soo jeeda qaybo ballaadhan oo ka mid ah magaalada Hargeysa, Koonfurta caasimadda iyo deegaammo hoos yimaada degmada Sallaxlay (Beesha Cabdi Ciise), ayaa shaaciyey taageero buuxda oo ay u hayaan xisbul-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha Mudane, Muuse Biixi Cabdi.

Xaflad miisaan leh oo ka dhacday huteelka Scandinavian ee magaalada Hargeysa xalay, kana qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE, siyaasiyiin ka mid ah xisbiga, wasiirro, agaasimayaal, madaxdhaqameed, aqoonyahan iyo marti sharaf kale, ayaa dhallinyaro fara badan oo ah cududda, labeenta iyo aqoonyahanka beesha Cabdi Ciise ay halkaasi ku soo bandhigeen taageeradooda ku wajahan xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen inay ka dhex xusheen xisbiyada dalka kadib markii ay ku qanceen hanka iyo himilada murrashaxiisa Madaxweynaha iyo barmaamij-siyaasadeedka xisbigu dhawaan soo bandhigay.

Masuuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan oo ka kala tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, cuqaal, odayaal iyo xubno kale oo aqoonyahan ah oo iyaguna hadallo ka jeediyey madasha, ayaa si wayn u soo dhaweeyey go’aanka dhallinyaradani qaateen oo ay ku tilmaameen mid loo baahnaa oo xoojinaysa guul ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ka soo hooyo doorashada Madaxtooyada ee qorshaysan inay ka qabsoonto dalka 13-ka bisha November 2017. 

bandhige@gmail.com