Dhallinyaro ka tahriibay sharciga dowladda hoose oo aan oggoleyn habka ay ku ganacsadaan

Xadhigga iyo ganaaxa ay kala kulmaan dowladda hoose ee Hargeysa ayaa dhallinyarada ku ganacsada hareeraha waddooyinka ku khasba inay tahriibaan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdisamed Maxamed Cabdilaahi oo cilmiga arrimaha bulshada ka dhiga jaamacadda Hargeysa oo ku ogaaday qaar ka tirsan dhallinyarada oo uu la kulmay.

Dhallinyaradaas oo ganacsiga ku billaaba ugu badnaa $500, waxay iibiyaan dhar, kabo, waxyaabaha jidhka la marsado iyo waxa la isku carfiyo, laakiin ma awoodaan inay kireystaan dukaamada suuqyada magaalada, dhaqaalahooda oo aan u saamaxeynin darteed. Kirada suuqyada lagu ganacsado ee Hargeysa laga bixiyo waxay u dhexeysaa $300 ilaa $1000 doolar.

Ciidanka booliska ayaa soo qabqabta iyagoo fulinaya amarka dowladda hoose oo aan oggoleyn in lagu ganacsado waddooyinka. Caqabadaha ay la kulmaan waxa ka mid ah inta ay howlgallada socdaan inay ka lumaan alaabaha ay ka ganacsadaan. Waxay alaabaha ku qaataan bacaha roobka la iskaga celiyo ama gaari-gacanno.

Ma jirto cid diiwaan-gelisay ama haysa tirada dhallinyarada waratada suuqyada Hargeysa ee tahriibtay.

Laakiin Shuceyb Aadan oo ah 25 jir, cirifka waddada ku ganacsada ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in sagaal dhallinyaro ah oo ay wada ganacsan jireen ay tahriibeen markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay kala kulmaan suuqyada.

Dhallinyaradan waxay tahriibeen intii u dhaxeysay bishii Agoosto ee 2016 ilaa Agoostadii la soo dhaafay ee sanadkaan 2018. Dhammaantood waxay isku barteen suuqa oo waxay ahaayeen saaxiib isku dhow oo isla xamaalan jiray.

Shuceyb waxay ciidamada boolisku xireen lix jeer, isaga oo shaqadiisa wato. Wuxuu sheegay in mararka qaar ay qoyskiisu yimaadaan saldhigga lagu xiro si ay uga sii daayaan, sidaasina lagu fasaxo, halka mararka qaarna ay dhallinyarada la xiro lacag si hoose u siiyaan askarta sida uu sheegay Shuceyb.

Hadda lafteeda wuxuu markasta uu diyaar yahay inuu cararo haddii uu arko bilays howlgal sameynaya. “Galab iyo aroor walaal ma hadhsano oo waxaan bacdaa u haystaa si aan u ordo,” ayuu yiri Shuceyb.

Booliiska iyo dowladda hoose waxay ka qaadaan dhallinyarada marka ay xiraan waxay ku ganaaxaan lacag u dhexeeya 10 ilaa 30 doolar si loo sii daayo.

Maxamed Cali Faarax oo ahaa 28 sano jir hareeraha waddooyinka suuqa Waaheen ku iibin jiray dhar, ayaa ka mid ah dhallinyarada u tahriibay caqabadaha ay la kulmaan.

Yuusuf Cali Faarax oo la dhashay Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in walaakiis uu tahriibay bishii labaad ee sanadkii 2017, markii uu waayay goob uu ku ganacsado.

Labo sano oo uu Maxamed ku jiray ganacsiga hareeraha waddooyinka, waxay booliska iyo dowladda hoose oo howlgallo sameynayo xireen 4 jeer oo ah sanadihii 2016 iyo 2017, sida uu sheegay Yuusuf.

Markii u dambeysay ee la xiro oo ahayd bishii labaad ee sanadkii hore, wuxuu xabsiga ku jiray shan maalmood. Markaas kaddib Maxamed wuxuu go’aansaday inuu tahriibo, wuxuuna safar ku maray Boosaaso oo uu uga sii gudbay Yemen, Sudan, ilaa Libya oo uu kaga tallaabay Talyaaniga isagoo maray badda. Hadda wuxuu muddo sanad iyo afar bilood ah ku nool yahay magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Muddadii uu tahriibta ku jiray waxaa la xiray labo jeer, waxaana laga qaatay lacag madaxfurasho ah oo 11 kun oo doolar ah.

Cabdisamed Maxamed Cabdullaahi oo cilmiga arrimaha bulshada ka dhiga jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in dhallinyarada ka tahriibeysa shaqooyinka ay hayaan ee suuqyada cadaadiska kala kulma ay keeni karto in la waayo dad ganacsiyada yaryar qabto ayna kororto tirada dhallinyarada shaqo la’aanta ku ah gudaha Somaliland.

“Dhallinyaradaa waad naxaysaa markay askartu eryanayso,” ayuu yiri Cabdisamed oo ku taliyay in dowladda ay waajib ku tahay inay goobo ay ku ganacsadaan u sameyso dhallinyarada ama ay shaqo-abuur u sameyso.

Xigasho: Radio Ergo