Dhaxal sugaha dalka sucuudiga Mohamed Bin Salman oo loo diiday in uu booqdo guri uu ku iibsaday lacag gaadhaysa $ 350 milion

Masuuliyiinta Faransiiska ayaa diiday codsi uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku doonayo inuu ku booqdo Xarunta Boqortooyada Louis XIV oo uu ku iibsaday ku dhawaad ​​$ 350 milyan doolar dhowr sano ka hor.

Dhaxal sugaha dalka sucuudi Arabia Mohamed Bin Salman ,ayaa xalay dawlada faransiisku u diiday inuu soo galo dalkeeda soona booqdo guri uu ka iibsaday dulleedka magaaladda Paris ee dalka faransiiska, qasrigaas oo ah ka ugu qaalisanaa dunida.
Mohamed Bin salman ayaa lagu eedeeyay inu cuqubadan aduunka ka dhacaysa ba tahay Dunuubtii iyo dhagaraha uu ka gaystay Yaman iyo dilkii Qoraagii Jamaal Khojoshi ee lagu dhex googooyay safaarada sucuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.Ilo wareedyada ayaa intaa ku daray in booqashada dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya ay horseedi doonto inuu ku lug lahaado dilkii saxafiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi.