dhinteen bariga Liibiya ka dib markii daadad xooggan oo ka dhashay duufaanta Daniel ay qaadeen xaafado ku yaala magaalooyin badan oo xeebta ku teedsan

Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen bariga Liibiya ka dib markii daadad xooggan oo ka dhashay duufaanta Daniel ay qaadeen xaafado ku yaala magaalooyin badan oo xeebta ku teedsa

Ilaa 2,000 oo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen, sida uu sheegay Raysal-wasaaraha xukuumadda aan la aqoonsanayn ee fadhigeedu yahay bariga Liibiya, Osama Hamad. Waxa uu intaas ku daray in kumanaan qof la la’yahay.

Axmed al-Mosmari oo ah afhayeenka ciidamada fadhigoodu yahay bariga liibiya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay isna ku sheegay in tirada dhimashada ee Derna ay kor u dhaaftay 2,000 oo qof. Waxa uu xusay in inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 oo qof aan lagu hayn nolol iyo geeri.

Al-Mosmari ayaa musiibadan ku macneeyay in ay sabab u tahay fatahaad ka dhalatay labo biyo xidheen oo ku yaalay Derna, kuwaas qar-qiyey qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Madaxa Bisha Cas ee Benghazi, Kais Fhakeri, ayaa xaqiijiyay in duufaanta Daniel ay ku dishay ugu yaraan 150 qof magaalada Derna, ka dib markii heerka biyaha magaaladu ay sare u kaceen ilaa saddex mitir.

Cabdicasiis Caydiid Yamani