Dhismaha waddo isku xidha gobollada Buuhoodle iyo Sool ayaa la dhagax-dhigay

Agaasimaha Waaxda Qaaxada Wasaaradda Caafimaadka Sayid Ismaaciil iyo Maayarka degmada Widhwidh Mire Kadawe ayaa waxay gadhax-dhigeen waddo laami ah oo isku xidhi doonta Gobollada Buuhoodle iyo Sool, sidoo kale waxay soo kormeereen mashaariic caafimaad oo ka socota Widhwidh.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo wax garadka Degmada Widh-widh ayaa soo dhoweeyey weftigan isla markaana warbixin ka siiyey xaaladda caafimaad ee deegaanaddaas.

Agaasimaha Waaxda Qaaxda ee Wasaarada Caafimaadka Sayid Ismaaciil ayaa ugu bushaareeyey dadweynaha ku dhaqan Degmadda Widhwidh in dhawaan laga hirgelin doono degmada cusbitaal TB-da ah, waxaanu dadweynaha ugu baaqay in ay ka qayb qaataan hore-u-marinta deegaankooda waxanu yidhi:

“Waxaanu u soconaa in aanu furno shan xarumood oo caafimaad oo cusub kuwaas oo Somaliland loogu deeqay, waxaanu ka koobanahay wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda World Vision oo nala socota. Magaalada qiimaynteeda dhinaca caafimaadka aragtida aanu ka aragnay baa noogu filan. Waxaa nooga kiin dambayn doona Wasiirka Caafimaadka oo idiin iman doona dhawaan.”

Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle ayaa dhawaan Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xaglotoosiye waxa uu ka hirgaliyey mashaariic caafimaad oo kala duwan, taas oo ay baahi u qabeen dadweynaha ku dhaqan degmada Widh-widh, waxaana ka mid ahaa mashaariicda ay xukuumaddu ka fulisay cubitaalka weyn ee magaaladaasi iyo Saldhiga Dhexe ee Degmada Widh-widh.

Dhinaca kale Guddiga Horumarinta Degmada wWdhwidh ee Gobolka Buuhoodle ayaa bilaabay waddo isku xidhi doonta Gobolka Sool iyo Gobolka Buuhoodle iyada oo laga bilaabay dhismaha dhinaca Widhwidh.

Maayarka Degmada Widhwidh Mire Kadawe ayaa ku booriyey bulshada deegaankaasi inay ka qayb qaataan nabad-gelyada iyo horumarinta ka soca deegaankooda, isaga oo sheegay in xukuumaddu ka qaadan dooonto door muhiim ah.

Sidoo kale qaar ka mid ah cuqaasha iyo odayaasha ka soo jeeda Widhwidh ayaa sheegay in ay iyaguna ka qayb qaadan doonaan dhismaha waddadan cusub, waxaanay ku booriyeen qurbe-joogta iyo ganacsatada ka soo jeeda gobolka Sool iyo Buuhoodle in ay ka qaybqaataan dhismaha waddadan dheer ee cusub.

Waddadan ayaa la filayaa in ay wax ka taridoonto isku xidhka iyo wada-shaqaynta Gobollada Buuhoodle iyo Sool, cabirkeeduna wuxu dhan yahay 120 kiiloo-mitir, waana waddadii ugu horeysay ee ay bulshada deegaankaasi isku abaabusho.

bandhige@gmail.com