Dhulbahante Maxaa Dan U Ah? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Dhulka ay degan yihiin waa Soomaalilaan, taasi gaal iyo Islaamba wuu og-yahay. Mana dhici karto inuu dhulkooda uu ka taliyo mid aan Soomaalilaan ahayni. Sheekada odhanaysa ciidamada Soomaalilaan ha ka baxaan deegaannada Dhulbahante waa mid raqiis ah oo aan maangal ahayn, lama arag dhul la leeyahay ciidamadii dawladoodu ha ka baxaan. Daraawiishtu waxa ay ahaayeen askartii Ina Cabdille Xasan, oo Dhulbahante u badnaa. May odhan Ina Cabdille Xasan waa Ogaadeen ee ha naga tago oo Daraawiishta ayaa maamul samaysanaysa. Soomaalilaan waa tabtaasi oo kale. waana laga jecel yahay, way ku sharfan yihiin inay wax la qaybsadaan waa la ogol yahay.

= Puntland waxa keliya ee ku tolayaa waa tolnimo ee maaha wax kale, tolnimadu dawlad ma noqoto. Waayo Isaaqa Itoobiya dega ma odhan karaan waxaanu tolnimo iyo dawladnimada ku darsanaynaa Isaaqa Soomaalilaan u badan. Xaqiiqo ahaan taasi cid kastaa way ka dharagsan tahay.

= Haddii sida imika ay dad badan oo Dhulbahante ahi ku doodayaan, ay ku dhawaaqaan maamul aan Soomaalilaan iyo Punltand midna ahayn, maxaa ku dhici kara? Waddadaasi hore ayey u tijaabiyeen, oo Prof. Cali Khaliif ayaa Khaatumo ku dhawaaqay waa kii socon kari waayey, ee marna ciidankiisa ay Soomaalilaan baacsato, marna ay Puntland baacsato. Taasi waa waayo-aragnimo la soo tijaabiyey oo wakhtigan aan ka shaqaynayn deegaannadaasi.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com