Dib u soo celinta shareecada Islaamka iyo waxyaabaha kale ee aan la ogeyn inuu Erdogan qaban jiray

Dib u soo celinta Islaamk

Kaddib 10 sano xukunkiisa, xisbiga Erdogan ayaa xayiraadda ka qaaday haweenka xiranaya xijaabka, taasoo la soo rogay kaddib afgembigii milatari sanadkii 1980. Xayiraadda ayaa si tartiib tartiib ah looga qaaday haweenka booliiska ka tirsan, milatariga iyo garsoorka.

Waxay dadka qaar ku dhaliileen inuu meesha ka saaray shuruucdii cilmaaniga ee Mustafa Kemal Ataturk. Halka, Erdogan oo nin diinta ku adag ah qudhiisa, uu mar walba beeniyo inuu doonayo inuu soo rogo shuruucda Islaamka, isagoo ku adkeysanaya inuu taageersan yahay xaqa ay Turkidu u leeyihiin inay si waadax ah uga hadlaan diintooda.

Erdogan

Si kastaba, wuxuu dhowr jeer taageeray in dembi laga dhigo gogol dhaafka. Isagoo leh afar carruur ah, wuuxu yiri “qoys Muslimah” maaha inuu isku dayo kaniiniyada dhlamada lagu xakameeyo amaba kala korinta ubadka. “Waanu badin doonnaa bulshadeenna,” ayuu yiri May 2016.

Wuxuu ammaanay hooyonimada, wuuxu cambaareeyay kuwa haweenka u dooda wuxuuna sheegay in ragga iyo haweenka aanan si isku mid ah loola dhaqmi karin.

Erdogan ayaa muddo dheer u ololeynayay shuruucda Islaamka.

Bishii July 2020, wuxuu goobjoog ka ahaa dib u habeyntii xarunta taariikhiga ah ee Xajiya Sofiya looga dhigayay Masjid, taasoo caro gelisay dadka Kirishtaanka ah. Waxaa la dhisay 1,500 oo sano kahor waxaana masjud u beddelay Turkidii Cusmaaniyiinta ah, balse Ataturk ayaa u beddelay matxaf.

Mana ahayn wax iska yimid in madaxweynuhu uu taageerayaashiisa ugu khudbeeyay masjid dhexdiisa saacado kahor doorashadii dhowaan dhacday

Xigash:BBC news

Bandhige@gmail.com