Dibad-baxyada Shicibka laascaanood Waa Bilaa Ujeeddo W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Haddii ay shicibka dhab ka tahay inay ka xun yihiin oo ay ka gadoodsan yihiin dilalka qorshaysan ee Laascaanood biyo dhigtay, waxa ay la shaqeyn lahaayeen hayadaha ammaanka magaaladda. Waxa ay farta ku fiiqi lahaayeen nimanka afka duuban ee dilalka geysanaya, halkay mareen, waxa ay wateen, sumadood IWM. Jeelka weyn ee Hargaysa ayaa ay maxaabiis ka baxsatay, oo ay afarta jiho u kala yaaceen beri dhexdaasi ahayd. Shicibka xaafadda jeelka ku xeeran iyo dadkii goobaha meheradaha ku haystay jeelka weyn agtiisa, ayaa maxaabiistii baxsanaysay ee dambiileyaasha ahaa, kolba mid garba duub u soo qabtay oo ciidanka ku wareejiyey. Laakiin dambiile ay shicibku qarinayaan sidii loo ogaan.

= Dadku cabasho iyo gadood haddii ay ka samaynayaan dilalka dhacaya, maxaa keenay calanka Soomaaliya? Maxaa keenay Isaaq ayaa na laynaya? Dadka la beegsadaa waa masuuliyiinta Soomaalilaan u shaqaysa ama in uun lug ku leh Soomaalilaan. Xagee lagu arkay dawlad dadkii laynaysa? Si maangal ah ayey dibad-baxydu uma socdaan.

= Shan cisho ayuu dibad-baxu xidhay ganacsigii iyo noloshii dadka Laascaanood, dhaqaalihii magaaladda ayaa khasaare soo gaadhay, waxa la jajabiyey ganacsiyo waaweyn, Somtel, Telesom iyo Dahabshiil oo lagu haysto waa Isaaqa na laynaya. Waxa se ay moogan yihiin in dhammaan shaqaalaha iyo madaxda shirkadahaasi ay yihiin dadku u dhashay gobolka oo khasaaruhu uu isla gobolka gaadhay. Waana markuu caqli shaqayn waayo ee caaddifaddu shaqayso.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com