Diiwaan galinta cod bixiyeyaasha Awdal oo gashay maalintii shanaad

Diiwaan galinta cod bixiyayaasha ee ka socota gobolka Awdal guud ahaan ayaa maanta gashay maalintii shanaad waxaana is diiwaan galiyey kumayaal qof ilaa iyo hada tirada saxda ah ee is diwaan galisay lama ogaan karo oo waxaa diidaya xeerarka gudiga doorahsda oo mamnuucaya in la faafiyo tirooyin, ilaa hada sida ay hawshaasi u socoo ayaa lagu sheegay in ay wacan tahay guud ahaan.

Wararka qaar ayaase sheegaya in ay jiraan meelaha qaarkood dhibaatooyin ka hor yimid is diwaan galinta taasi oo ay ka mid tahay qalabka Koombuutarada lagu diiwaan galinayo meelaha qaarkood oo mashquul galaya taasi oo keenaysa in mudo loo xanibnaado sidii bahalkaas loo soo kicin lahaa, waxaa kale oo jirta in shaqaalaha goobaha qaarkood xawaaraaha ay hawsha ku fulin karaa  yahay mid aad u liita oo waqti badan dadka ka luminya waxaa kale oo dhibaatooyinka ka mid ahin meelaha qaar marka khadka internetka la waayo ay shaqaaluhu joojinyaan shaqada taasi oo dayacaad badan hawsha ku keenaysa waxaana la sheegay hadii ay net la’aan shaqeeyaan in ay marka u horaysa ee ay net helaan ay hawshii ay qabteen ku xawili karaan koombuutarka weyn ( server) taasi oo u baahan in shaqaalaha lagu waci gayilo net iyo net la’aan in aanay joojin shaqada.

waxaaa kale oo ay sheegeen hay’ahada kormeeraya shaqada is diiwaan galinta in aanu gudiga doorashadu ciladihii ka dhacay gobolka Togdheer markii ay ka socotay waxa badan ka qaban oo ay halkana ( Awdal) sideedii u soo noqdeen taasi oo u baahan in ay deg deg wax uaga qabtaan, dhibaatooyinka waxaa kale oo ka mid ah in meelaha miyiga ah ay dadku aad u kala durugsan yihiin oo ay adag tahay in la gaadhsiin karo ama ay iman karaan goobaha la qoondeeyey in lagu diiwaan galiyo waxaanu dhibku ugu badan yahay meelaha buuralayda ah.

Waxaa hawshan is diiwaan galinta barbar socota  olole ay wadaan madaxda xisbiyada siyaasiga ah oo iyaguna booqashooyin ku maraya deegaanada gobolka waxaana hawshaas ugu cad cad Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro oo habeenba magaalo u wada hoyanaya iyaga oo xalay joogay deegaanada degmada Baki ee gobolka Awdal.

Xasan Ciise