Diiwaangelinta Golaha Dhexe ee Kulmiye oo si rasmi ah uga bilaabantay xarunta xisbiga

Diiwaangelinta Golaha Dhexe ee Kulmiye iyo qaadashada kaadhadhka aqoonsiga xubnaha Golaha Dhexe ayaa ka bilaabantay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay Hargeysa.

Diiwaangelintan iyo bixinta aqoonsigan oo qayb ka ah hawlaha u diyaargarowga shirka 5-aad ee Golaha Dhexe ee xisbal-xaakimka Kulmiye oo u muddaysan 10-ka November 2015, ayaa ku bilaamantay si dardar leh maalintii koowaad ee waqtiga loo asteeyey dhammaystirka qaadashada kaadhadhka Golaha Dhexe oo loo qorsheeyey muddo toddobaad ah.

Ilaa boqol xubnood oo ka mid Golaha Dhexe ee xisbiga oo ay ku jiraan masuuliyiin xilal ka haya hay’adah dawladda oo uu ka mid yahay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa noqday xubnihii ugu horreeyey ee galay diiwaanka rasmiga ah ee qaatay aqoonsiga ka qaybgalka shirka Golaha Dhexe.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga saaka, ayaa ku dhawaaqay bilowga hawsha diiwaangelinta iyo bixinta kaadhadhka xildhibaannada golaha dhexe ee ka qaybgalaya shirka., Maxamed Kaahin oo ka hadlayey qaadashada kaadhka aqoonsiga xubnaha Golaha Dhexe waxa uu yidhi:

“Saaka oo Sabti ah waxa xarunta xisbiga Kulmiye ka bilaamay samaynta kaadhadhka aqoonsiga xubnaha golaha dhexe ee ka qaybgalaya shirka 10-ka bisha November bilaabmaya. Inkasta oo siyaabo kala duwan ay dadka qaarkood u sheegeen, haddana had iyo jeer marka shir la galayo dadka ka qaybgalaya waxa loo sameeyaa aqoonsi, waxa keliya ee la samaynayaa waxa weeye kaadhka aqoonsiga xubin kastoo golaha dhexe ah oo liiskoodu kan i hor yaalla yahay.”

Waxa kaloo uu sharraxay qaabka loo diiwaangelinayo xubnaha, waxaannu yidhi:

“Samaynta kaadhka golaha dhexe waxaannu u samaynay foom la yidhaa warqadda caddaynta xubinta golaha dhexe oo qof kasta marka lagu caddeeyo inuu ku jiro liiska, waxa loo jarayaa madbacad daabacaysa, nuqul koobi ahna waxa uu u hadhayaa xarunta xisbiga, laba sawir oo laga qaadanaya mid waxa lagu samaynayaa kaadhka aqoonsiga, ka kalena waxa uu kayd u ahaanayaa xisbiga.”

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad waxa uu sheegay in golahan dhexe ee loo samaynayo aqoonsigu yahay liiska sharciga ah ee ka soo baxay shirweynihii ugu dambeeyey ee xisbigu yeesho, isla markaana uu yaallo dhammaan hay’adaha sharciga ah ee ku shaqada leh. Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Liiskan golaha dhexe waxa saxeexay guddoomiyihii shirweynaha oo wasiir Cadami ah iyo lix xubnood oo shirka la guddoominaye, koobi kasta oo liiskan ahi waa uu saxeexanyahay, liiskani wuxuu yaalaa Maxkamadda Sare, Xeer-ilaalinta, waxa uu yaalaa guddida diiwaangelinta ururrada siyaasiga ah iyo xisbiyada, wuxuu yaal Komishanka Doorashooyinka, waxa haya guddidii Guurtida ee ka gara naqday khilaafkii xisbiga kadib shirweynihiisii u dambeeyey,”

Maalmihii ugu dambeeyey  waxa cirka isku shareeray loolanka murashaxiinta xisbiga Kulmiye ku tartami doona shirka 5-aad ee Golaha dhexe ee Kulmiye, dadweynuhuna waxa ay u dheg taagayaan natiijada soo bixi doonta 10-ka November.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com