Diyaarad ay leeyihiin qoyskii Cusaama Bin Laadin ayaa ku burburtay maddaar ku yaal Ingiriiska

Diyaarad ay leeyihiin qoyska reer Cusaama Bin Laadin ayaa cawaysinkii Jimcihii ku burburtay maddaarka Blackbushe, Yateley ee cariga Ingiriiska.

Ilaa iyo hadda waxa la xaqiijiyey geerida afar qof oo uu ku jiro duuliyihii diyaaraddu.

Safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Ingiriiska ayaa goor dhawayd soo saartay war-saxaafadeed ay ku tacsiyeynayso dadkii shilkan ku naf waayey, laakiin war-saxaafadeedku gaar uuu sheegin magacyada dadka dhintay iyo cidda ay yihiin.

“Safiirka Sucuudiga u fadhiya Ingiriiska, Amiir Maxamed Bin Nawaf Bin Cabdi Casiis, wuxu tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabada marxuum Cumaasama Bin Laadin” ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay.

War-saxaafadeedku wuxu intaa raaciyey in Safaaraddu ay masuuliyiinta Ingiriiska kala xaajoonayso sidii loo baadhi lahaa sababta shilku ku dhacay iyo sidoo kale sidii maydadka dib loogu duulin lahaa Sucuudiga si halkaas loogu aaso.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay Milan, Talyaaniga, ka hor intii aanay ku burburin maddaarka Blackbushe oo ku yaal Waqooyiga Boqortooyada Ingiriiska.

Bandhige wuu idiin soo gudbin doonaa wixii hadba soo kordha.

Il-Wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com