Diyaarad milatari oo Indooniisiya ku dhacday waxa ku dhintay 113 qof

Ugu yaraan 113 qof ayaa ku dhintay ka dib markii diyaarad ciidamada cirka ka tirsani ay ku dhacday magaalada Medan ku taala jasiiradaha koonfureed Summatra, Indooniisiya. Sidaas waxa xaqiijiyey  saraakiil ka tirsan militariga Indooniisiya.

Diyaarada ayaa gaddoontay Salaasadii maanta waxa saarna 12 shaqaalaha diyaarada ah iyo 101 isugu jiray ciidanka cirka iyo dad rayid ah oo ay qaraabo ahaayeen, waxayna ku socotay markii shilku ku dhacay saldhig ciidanka cirku leeyahay oo ku yaal jasiiradda Sumatra.

Wararka laga helayo dhinaca milatariga ayaa sheegay in duuliyuhu raadyowga ka sheegay in ay cilladi jirto ka dib markii uu duuliyey diyaaradda. Wararku waxa ay sheegayaan in duuliyuhu isku dayey in uu dib u soo celiyo diyaaradda, laakiinse ay ka soo hormartay dhicitaankeedu sidaasna ay ku galbatay.

10 sanno gudaheed waa markii labaad ee deegaanka Megan ay ku dhacdo diyaaradi. Sannadkii 2005 ayay ahayd markii diyarad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Mandala Airlines ay deegaankan ku dhacday kuna dhinteen 143 qof.

Militariga Indooniisiya ayaa bilaabay baadhis ay rabaan in ay ku ogaadaan waxa ay ahayd cillada ku timid diyaarada ee sababtay khasaaraha baaxadda leh.

Bandhige@gmail.com