Diyaarad ay lahaayeen milatariga Indonesia ayaa burburtay, waxa ku naf waayey 12 qof

Security forces and rescue teams examine the the wreckage of an Indonesian military C-130 Hercules transport plane after it crashed into a residential area in the North Sumatra city of Medan, Indonesia, June 30, 2015. At least 30 people were killed when the military transport plane crashed into a residential area two minutes after take-off in northern Indonesia on Tuesday, putting a fresh spotlight on the country's woeful air safety record. REUTERS/Roni Bintang - RTX1IEEZ

 

Diyaarad nooceedu yahay Hercules C-130 oo uu lahaa milatariga Indooniisiya ayaa goor dhawayd ku burburtay buur dusheed, waxa ku qudh-baxay 12 qof.

Diyaaraddu waxay saaka subaxnimadii ka soo duushay deegaanka Timika iyadoo qorshuhu ahaa in ay fadhiisato magaalada Wamena 6.13AM. Hase ahaatee waxaa hawada laga waayey 2 daqiiqo ka hor wakhtigii ay cago dhigan lahayd, waxaana burburkeedii laga soo helay buur ku taalla Lisuwa oo ka tirsan gobolka Papua.

Waa diyaaraddii saddexaad ee laba sanno gudahood ku burburtay Indooniisiya iyadoo bishii June ee la soo dhaafay diyaarad kale oo milatariga Indooniisiya lahaa ku burburtay dalkaas iyadoo ay ku naf waayeen 135 qof oo isugu jiray military, qoysaskoodii iyo shaqaalihii diyaaradda. Bishii December 2014-kii waxa isla dalkaas ku burburtay diyaarad ay lahayd shirkadda AIrAisa, taas oo ay ku qudhbaxeen 162 qof.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com