Diyaarad NATO lahayd ayaa ku burburtay Kaabuul

Af-hayeenka NATO ayaa xaqiijiyey in diyaarad helikobtar ah oo nooceedu yahay Puma Mk 2 ay ku burburtay saldhigga weyn ee NATO ku leedahay Kaabuul. Diyaaradda waxa iska lahaa ciidanka Ingiriiska ee ka tirsan huwanta NATO.

Sida ku cad war-saxafaadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingriisku, waxa halkaas ku qudh baxay laba sarkaal oo Ingiriis ah.

Nato iyo Wasaaradda Arrimaha Dibe ee Ingriiska labaduba waxa ay sheegeen in burburka diyaaraddu uu ahaa mid dabiici ah isla markaana aanu jirin cadow weerar ku soo qaaday oo burburiyey.

Sidoo kale wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriisku waxay ay war-murtiyeedkeeda ku sheegtay in shalay Daalibaan weerar ba’an ku soo qaadeen kolonyo ciidamadeeda ah, laakiin aanay jirin wax dhinaca Ingiriiska kaga dhintay kadib ay si adag isku difaaceen qaraxyadiina ka badbaadeen. Laakiin waxa dhaawacyo soo gaadheen saddex qof oo ka mid ahaa shicibka Afgaanistaan.

Bandhige@gmail.com