Diyaarad nooca rakaabka ah oo duulimaadyo cusub ka bilowday Laascaanood

Garoonka diyaaraddaha Laascaanood oo ay dhowaan ka socdeen dib-u-habayn ayaa waxa maanta ka soo degay diyaarad rakaab oo magaceeda la yidhaah Occian Airlane, taas oo dulimaadyo ku iman doonta.

Diyaaradan ayaa waxay ka soo kicitantay Nayroobi taasi oo todobaadkii laba jeer iman doonta Laascaanood.

Garoonka diyaaraddaha Laascaanood ayaa waxa markii hore ka soo degi jiray diyaaraddo sida qaadka miirooga kuwaas oo ka keeni jiray dhinaca Kiiniya.

Bulshada ku dhaqan Gobolka ayaa waxay soo dhoweeyaan dulimaadyadan cusub ee ay diyaaradda Ocean Airline ku iman doonta Laascaanood.

Hoose ka daawo warka diyaaradda Ocean Airline ee maanta ka degtay garoonka diyaaraddaha ee Laascaanood:

 

bandhige@gmail..com