Diyaaraddii koobaad ee Ethiopian Airlines ee 20 sanno u duusha Ereteriya ayaa hadda ka kacday gegida Addis Ababa

Diyaaraddii koowaad ee Ethiopian Airlines ah ee muddo 20 sanno ah ka duusha Addis Ababa una duusha Asmara, duulimaad kambarkeeduna yahay ET0312 ayaa goor dhawayd ka kacday gegida diyaaradaha ee Bole International Airport.

Tallaabadan oo loo arko mid sii xoojinaysa nabadda ay dhawaan qaateen Ereteriya iyo Itoobiya timid kadib markii labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Ereteriya ay isla qaateen nabad dhinacna isaga riixeen wixii khilaaf dhexdooda yaalla. Waliba hindisaha nabadda waxa iska labaa Caabbi Axmed Cali oo ah Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya.

Maareeyaha Guud ee shirkadda Ethiopian Airlines Tewolde GebreMariam oo ka hadlayey xaflad lagu daahfurayey duulimaadka oo maddaarka ka dhacday ayaa duulimaadka maanta ku sifeeyey mid baal dahab ah ka galay taariikhda labada dal.

Itoobiya iyo Ereteriya waxay colloobeen 1998kii kadib markii uu muran xuduudda la xidhiidha dhex maray halkaas oo ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay 80,000 oo qof. Dagaalkaasi wuxu socday muddo laba sanno ah.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga Ah