Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka, ay uga digeen masuuliyiinta gobollada New York, Texas iyo Virginia suurta-galtinnimada weeraro ay al-Qaacidda la damacsan tahay halkaasi Isniinta soo socota, oo ah maalin ka hor xilliga doorashada Maraykanka ay dhaceyso oo ay baahisay CBS News oo soo xigatay ilo wareedyo aan la carabbaabin.
Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ku gudda jira ololaha doorashada Madaxweynimo ee laba maalmood ka hadhsan tahay ayaa waxa lagala cararay goob fagaare ah isagoo khudbad ka jeedinaya magaalo ku taalla gobolka Nevada kadib markii illaaladiisu ka shakiday qof halkaa joogay oo sitay qori.
Donald Trump ayaa waxa uu inta badan dhalliilaya dadka soo galootiga ah iyo Muslimiinta kuwaas oo u muujiyey nacayb badan.
Sadaasha doorashada Maraykanka ayaa haatan waxay tahay dhibco yar lagu kala horeeyo.